Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo maanta tagaya Beledweyne

Wasiirka Difaaca Dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon, ayaa maanta tagaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa ka haray wafdigii shalay madaxweynaha Jabuuti ee ka baxay Muqdisho kuwaas oo booqasho labo cisho ah ku joogay dalka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayuu qorshuhu ahaa in uu booqdo Gobolka Hiiraan si uu ula kulmo Ciidanka Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Cali Bahdoon ayaa booqanaya Saldhigyada Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Gobolka Hiiraan,waxaana sidoo kale la filayaa in uu tago Magaalooyinka Buulo Burte iyo Jalalqsi oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidanka Jabuuti.

Saraakiisha Ciidanka Jabuuti ee ku sugan Gobolka ayaa lagu wadaa wasiirku in uu kala hadlo xaaladdooda iyo sida ay u howlgalaan.

 

Web master

Read Previous

Al-shabab oo sheegtay in la wareegtay Dhanaane

Read Next

AMISOM holds memorial service for the late Acting Police Commissioner, killed in the Ethiopian Airlines crash