Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in Wasaaraddu ay qaadayso tallaabooyin ay ku hubinayso talada Farmashiyeyaasha si looga hortago halista ka dhallan karta dawooyinka aan lagu hayn goob ku habboon.
Dr Cali Xaaji ayaa xusay in la xirayo farmashigii aan qabooji lahayn, sidoo kale waxa uu carrabka ku dhuftay in la hubinayo Aqoonta dadka ka shaqeeya ee bixiya dawooyinkaas lagana doonayo in uu qofkaas haysto shahaado sida uu hadalka u dhigay.
“Farmashiga aan qaboojiye ku jirin waa in la xiraa, qofka ka shaqaynayana waa in uu shahaado haystaa, Dowladda waxaa mas’uuliyad ka saaran Arrinaas, Kunteenarka daawada lagu keenno ee aan lahayn qaboojiye lama aqbali karo” Ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji Aadan
Qaar kamid ah Goobaha lagu iibiyo Dawooyinka waa kuwo aan ku habboonayn kaydinta daawooyinkaas maadaama aanay lahayn qaboojiye isla markaana heer kulka goobtaas uu yahay mid ka duwan kan loogu talagalay dawooyinka.
Mustaqbal
