Wasiir ku xigeenkii shaqada iyo shaqaalaha oo ku dhintay qaraxa Wasaaradda shaqada

AHUN: Xildhibaan, ahaana Wasiir ku xigeenkii shaqada iyo shaqaalaha, Saqar Ibraahim Cabdalla.

Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla sidoo kalena ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarka Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.

Wasiirku waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xilliga uu dhacayay weerarka Wasaaradaha shaqaalaha iyo howlaha guud.

Waxaa kale oo jiro dhimasho kale oo ka dhalatay weerarka iyada oo ilaa hadda aan lahayn tirada rasmiga ah.

Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ee Aamin Ambalace ayaa sheegay in dhaawaca 11 qof ay ka qaadeen Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Weerarka maanta lagu qaaday wasaaradaha shaqada iyo howlaha guud ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

La soco wixii soo kordha

Web master

Read Previous

10 Caqabad oo adkaynaysa guul lagagaaro qorshaha tiro-koobka ciidanka XDS

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirkeedii Switzerland.