Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo la hadlay BBC-da waxa uu ka sheekeeyay sida uu uga baxsaday Goob ay ku heysay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku taalla.
Janan waxa uu baxsaday 28-kii Janaayo sanadkaan 2020, waxaana xaqiijisay Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, balse 31-kii Janaayo waxa uu tagay Dekeda Kismaayo kadib markii ay ku xiratay doontii uu ka raacay Muqdisho.
Cabdirashiid Janan waxa uu sheegay in saraakiil katirsan Dowladda ay u fududeeyay baxsashadiisa inkasta oo uusan tilmaamin shaqsiyaadkaas.
Waxa uu shaaciyay in aan xabsi gaar ah lagu heyn balse marba meel la geynayay, isagana ay u suurta gashay in uu ka baxsado gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Janan oo la weydiiyay eedeynta loo jeediyay ee ah in uu dhibaateeyay dad rayid ah iyo daneynta Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnenst ee ah in lasoo qabto, si cadaaladda loo horgeeyo.
Wasiir Cabdirashiid waxa uu dafiray dhammaan eedeymaha kala duwan ee ka dhanka ah, waxaana uu tilmaamay in laga qoray warqad siyaasadeysan oo xaqiiqada ka fog, isla markaana lagu doonayo in lagu suurad xumeeyo sida uu hadalka u dhigay.
Janan waxa intaa ku daray in uu ku sugan yahay Magaalada Balad-Xaawo, meelna aan uga dhaqaaqi doonin ilaa inta uu dib isugu abaabulayo Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo awoodooda la kala dhantaalay.
Ujeedka uu joogo Magaalada Balad-Xaawo waxa uu ku sheegay in uu dib u dhis ku sameynayo Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay ku howlan tahay soo qabashada Janan oo ka baxsaday gacanteeda, waxaana daneenaya maxkamadeyntiisa Hay’adda Amnest oo u aragta dambiile galay xasuuq ka dhan ah aadanaha.
Wasiir Cabdirashiid Janan ayaa tan iyo markii uu ka baxsaday Dowladda Federaalka, waxaa shalay lagu arkay Degmada Balad-Xaawo, isaga oo garab-taagan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kale.
