Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa shalay kulan gaar ahaa Magaalada Ankara kula qaatay Wasiirka Arrimaha DIbadda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu.

Kulanka kadib waxa ay labada dhinac wada gaareen heshiis ka kooban qodobo ay kamid yihiin isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee Xukuumadaha Ankara iyo Muqdisho.
War kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in is aragga labada Wasaarad arrimo dibadeed uu kusoo dhamaaday si wanaagsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Turkiga siisay dhul weyn oo ay ka dhisteen safaaradooda Muqdisho.

Waxa ay gacanta ku hayaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekeda Muqdisho oo ah Ilaha ugu muhiim dhaqaalaha Dalka, sidoo kale waxa ay Turkiga Soomaaliya ku leeyihiin Xero Ciidan oo ay ku tababaraan Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya.
Turkiga waxa uu Soomaaliya soo galay sanadkii 2011, xiligaas waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray dad badan oo kasoo barakacay abaar ku dhufutay Gobolada Dalka.

Wixii xiligaas ka dambeeyay Xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa marba heer soo gaarayay.
