Rwanada oo xukuntay dad loo heysto in ay xiriir la leeyihiin Al-shabab iyo Daacish

Maxkamad ku taalla dalka Rwandan, ayaa shalay oo jimco ahayd waxaa ay 13 Qof oo lagu eedeeyay in ay ka mid yihiin Al-shabaab iyo Daacish ku xukuntay waqti u dhaxeeya  2 sano ilaa 10 Sano.

Dadkan oo ay tiradoodu gaareyso 13 qof ayaa loo heystaa in ay ka midyihiin Al-shabaab iyo Daacish sidoo kalena taageero u muujiyeen.

Maxkamadda sare ee dalka Rwanda oo kiiskan ku qaadday degaanka Nyanza, ayaa sidoo kale siideysay 25 qof oo kale kaddib markii dacwad oogayaasha ay ku fashilmeen in ay soo dhameystiraan caddeymahooda.

Booliska Dalka Rwanda ayaa Bishii January ee sanadkii 2016kii xir xiray 40 qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin  Ururrada Daacish iyo Al-shabaab.

Isla xilligaas Booliska Rwanda ayaa dilay Sheekh Muhammad Mugemangango, oo ay ku eedeeyeen in uu ahaa nin ka shaqeynayay in Dhallinyarada Rwanda ay ku biiraan kooxaha argagixisada ah.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Buugaag,Cadalado CD-yo ah  iyo farriimo kale oo loo adeegsanayay xagjireynta dhallinyrada.

Qof ka mid ah dadka la xukumay waa Salim Fundi, waxaa lagu eedeeyay in uu ka shaqeynayay isku xirka Dhallinyarada Rwanda iyo Al-shabaab-ka ka dagaallama Soomaaliya.

Garsooraha Maxkamadda kiiskan qaadday Eugene Ndagijimana, ayaa sheegay ij Ninkani lagu helay isku xirka Dhallinyarada Rwanda iyo Al-shabaab, sidaasna lagu xukumay.

Dadka la xukumay waxaa ku jira saddex Haween ah oo laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Kigali,iyaga oo ku sii jeeday Syria, qof kale ayaa isna la xukumay markii ,lagu helay in Haweenkaas uu Tikid ugu iibiyay $1,000 doollar.

Rwanda waxaaku badan dadka aan Muslimka ahayn,waxaana Muslimiinta ay tiradoodu gaareysaa 2.5% tirada guud ee dadka Dalka Rwanda.

Web master

Read Previous

Rwanda convicts ISIS, Al-Shabaab suspects

Read Next

Wasiir Cawad oo dhiggiisa Turkiga kula kulmay Ankara,Sawirro