Dowladda Soomaaliya oo muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge gudaha xerada Xalane
Qiimaha la iibiyo Gaaska wax lagu karsado ee Deegaannada DG Puntland, taasi waxa ay abuurtay cabasho kasoo yeertay Shacabka si wax looga qabto lacagta kusii kordheysa oo dhibaatooyin dhaqaale xumo laga dhaxli karo.
Wasiirka Ganacsiga DG Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa sheegay in baaris lagu sameeyay sababta keentay qiima kororka Gaaska wax lagu karsado balse natiijada usoo baxday wasaaraddu soo gudbineyso dhawaan.
Ma sheegin maalin rasmi ah balse qoraalkiisa waxa uu Wasiir Cabdullaahi Cabdi Xirsi ku sheegay in maalmaha soo socda Wasaaradda Ganacsiga DG Puntland soo bandhigeyso xalka wax looga qaban karo qiima kororkaan.
Baraha Bulshada waxaa ka bilawday olole lagu muujinayo saameynta taban ee Qiimaha Gaaska Wax lagu karsado, Madaxda Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa qoraallada ay soo dhigaan barahooda Xiriirka Bulshada waxaa loogu falceliyay Hanta Gaaska oo lagu qoray qiimaha ay gaartay oo ah $50.
Ilo ku dhaw Wasaaradda Ganacsiga Puntland ayaa sheegay in Wasaaradda ay la kulmeyso Ganacsatada Gaaska wax lagu karsado si ay isaga xog-wareystaan sababta keentay qiima kororka iyo sida loo yareyn karo lacagahaas.
Dhaqdhaqaqa Dekedda Boosaaso ayaa u istaagay Dagaalka dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Siciid Deni & Maxamuud Diyaano, Xirnaashiyaha Marsada waxa uu saameeyay Dowlad-Goboleedyada Puntland, Galmudug & qayb kamid ah Hir-Shabeelle.
Mustaqbal
