Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Qaahira, Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi, ayaa ku dhex-geeriyooay fadhi ay ka socotay maxkamadeyntiisa, maanta oo Talaado ah.
Wararku waxa ay intaasi ku sii darayaan in Mursi uu ku dhex-suuxay gudaha maxkamadda isla markaana daqiiqado kadib la xaqiijiyey in ay nafta ka baxday.
Mursi ayaa waxaa sanadkii 2013-kii xukunka ka afgambiyey hogaamiyaha waqti xaadirkan ee Masar Cabdul Fataax Al-Sisi, kaasi oo kamid ahaa saraakiisha ciidamadda.
Hadaba Qof Ceynkee ah ayuu ahaa marxuumka geeriyooday, Waxaa Taariikhdiisa iyo geeridiisaba ka waramaya Sheekh C/Xayi Sheekh Adan.
Halkan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan:
