Walaac laga muujinayo dib usoo noqoshada Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida

Waxaa sii xooggaysanaya digniinta iyo walaaca is dhinac socda ee laga muujinayo dib usoo noqoshada awoodda Kooxaha Burcad Badeedda Soomaaliya iyada oo arrintan ay saamayn taban ku reebi doonto amniga geeska Afrika.

Bilihii u dambeeyay waxaa bannaanka usoo baxay afduubka Kooxaha Burcad Badeedda ay ka gaysanayaan Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah iyada oo tallaabooyinkaas markale indhaha Badda Soomaaliya usoo jeedisay dalal badan oo qayb ka ahaa howlgalladii 2008 ilaa 2011.

Maraakiibta ayaa lagula taliyay in ay ka fogaadaan meelaha halista loo calaamadeeyay si aan loo afduuban, halka qaar kale ay qaateen ilaalo hubaysna oo ugu yaraan sii difaaci karta in ay gurmad ka helayaan maraakiibta dagaalka.

Xeebaha Soomaaliya ku teedsan ee Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya waxaa la sheegay in ay kusoo kordheen Maraakiibta ciidan ee horay ku doodi jiray in ay kahortagayaan awoodda Kooxaha Burcad Badeedda kahor afduubka maraakiibta ee bilo kahor dhacay.

Dhinaca kale dib u soo noqoshada Kooxaha Burcad Badeedda waxa ay saamayn taban ku reebtay Kalluumaysatada deegaannada ay joogaan Kooxahaas maadaama marka ay kalluumaysi aadaan la beegsano halka kuwo kale cabsi darteed ay howshaas isaga joojiyeen.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Iiraan oo shuruud culus ku xiraysa dib u furista Marinka Hormuz

Read Next

Inka badan 1,500 oo qof oo weli lagu la’ yahay daadadka Daadadka ku rogmaday Nepal