Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay
Waddada Muhiimka ah ee Maka Al-Mukarrama ayaa saaka u xiran Ciidamo ka mid ah Booliska Soomaaliya.
Ciidamada ayaa Gaadiidka u diidaya in ay adeegsadaan waddada waxaana lagu qasbayaa in ay laabtaan.
Dad weynaha u badan shaqo tagga iyo Ardeyda ayaa waxaa ay maalayaan cagtooda maaddaama Gaadiidka loo diiday adeegsiga waddadaas.
Waddadan Maka Al Mukarrama ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday Baaritaan ay Booliska ku sameeynayeen Gaadiidka yar yar ee gaarka loo leeyahay oo kali ah.
Saraakiisha amaanka kama hadlin sababta maanta loo xiray Waddadan oo dad badan oo reer Muqdisho ah ay maalinle u adeegsadaan.
