Türkiye oo si rasmi ah u ansixisay heshiiska deeqda dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa saxiixay go’aanka rasmiga ah ee lagu ansixinayo heshiiska deeqda taageerada dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara, kaas oo ku kacaya in ka badan $6 milyan. Soomaaliya ayaa si toos ah u yeelan doonta lahaanshaha dhulka laga dhisayo safaaradda.

Go’aanka oo lagu daabacay Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda Türkiye (Resmî Gazete) 21-kii Nofeembar 2026, ayaa lagu ansixiyay heshiiska taageerada deeqda agabka ah ee u dhexeeya Dowladda Türkiye iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo markii hore lagu saxiixay magaalada Ankara 6-dii Luulyo 2022.

May be an image of text

Heshiiska ayaa sannadkan 2026 waxaa ansixiyay Baarlamaanka Türkiye, iyadoo go’aanka Madaxweynaha Erdoğan uu yahay tallaabada rasmiga ah ee lagu ansixinayo heshiiska, iyadoo la raacayo qodobbada sharciga iyo wareegtada madaxweynaha ee lagu xusay dukumentiga.

Dhismaha safaaradda ayaa qayb ka ah iskaashiga labada dal, waxaana marka la dhammaystiro ay Soomaaliya yeelan doontaa dhisme safaaradeed iyo dhul ay si toos ah u leedahay oo ku yaalla caasimadda Ankara.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya oo beenisay warqad lagu sheegay in DFS ay mamnuucday u safarka Imaaraatka

Read Next

MW Xasan Sheekh oo la kulamay Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkiga iyo Saraakiil kale