Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horraysay qirtay in uu mas’uul ka ahaa weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Iiraan 13kii June sanadkaan 2025, hoggaamiyaan oo horay u inkiray weerarkaas ayaa ugu dambayn shaaca ka qaaday in uu qorshahaas lahaa.
Donald Trump oo Warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa sidii loo shar jabin lahaa Xukuumadda Tehran oo haysata hub halis badan isla markaana cabsi wayn gelisay Bariga Dhexe sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku faanay in uu si buuxda u maamulayay weerarkaas oo aan la gaarin hadafkii laga lahaa inkasta oo Donald Trump uu ku faanayo in ujeedkii loo fuliyay la gaaraay sida uu ku dooday madaxweynaha Maraykanka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Esmail Baghaei ayaa qirashadaan ku tilmaamay dambi weyn oo uu galay Donald Trump maadaama uu dhinac iska dhigay xeerarka caalamiga ah ee dalalka kala duwan ku kala joogaan.
Trump ayaa lasii ogaa in uu qayb ka yahay weerarka Israa’iil ay ku dhiirratay ee Iiraan ay ku qaadday bartamihii sanadkaan, markii uu weerarkaas dhacay wuu soo dhawaayay balse markii la xaqiijiyay in madaxda iyo hubka halista ay badqabaan ayuu baaq nabadeed diray.
Mustaqbal
