Xuutiyiinta Yemen oo Sacuudi Carabiya ka dalbaday $51 bilyan si ay uga joojiyaan weerarrada
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo qirtay Guuldarrada Xisbigiisa Jamhuuriga kasoo gaartay Doorashada Dhexe ee dalkiisa ka qabsoomtay ayaa sheegay in guuldarradaas ay sabab u tahay duullaanka uu ku qaaday Iiraan.
Donald Trump ayaa sheegay in dagaalkii billowday dhammaadkii Febaraayo 2026 uu sababay guuldarro siyaasadeed, Dhaqaale iyo culays dalkiisa kasoo koray Iiraan oo muddo madaxeeda hoos u dhigaysay balse hadda soo jeesatay.
Waxa uu sheegay in Dadkiisa ay u codeeyeen Xisbiga ay talada iyo maamulka ku xifaalfamaan ee Dimuqraadiga taasina ay sababtay in Congress-ka iyo Senate-ka looga awood badiyo maadaama kuraasta labadaas Aqal ay muhiim yihiin.
Trump ayaa sidoo kale sheegay inay suuragal tahay in uu isu baddelo falanqeeye siyaasadeed mar haddii looga adkaaday Doorashada dhexe oo inta u dhiman talada lala maamuli doonno waa sida uu hadalka u dhigayee.
Kahor doorashada waxa uu madaxweynaha Maraykanka uu dhowr jeer ku celceliyay in Xisbigiisa looga adkaan doonno doorashadaas balse ma bixin faahfaahin intaas ka badan sida waxa uu dareemay iyo haddii xaalad adag ay ka dhex jirto xisbigiisa.
Mustaqbal
