Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay xoojinayso dedaallada ay uga hortagayso qulqulka Tahriibayaasha ay qaybta ka yihiin Soomaalida oo bilihii lasoo dhaafay kordhay halka qaar kale ay ku dhinteen xeebaheeda iyaga oo aanay gaarin hadafkii ay u safreen.
Mas’uuliyiin katirsan Talyaaniga ayaa sheegay in ay dib u soo cusboonaysiinayaan wadahadalladii ay la lahaayeen Dalalka dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika oo intooda badan ay ka baxaan Dadkaas si looga hortago kahor inta aysan doomaha raacin.
Xukuumadda Roma ayaa sheegtay in ay jiraan dedaallo liita oo lagu wajahayo la socodka dhaqdhaaqa Dadka Tahriibayaasha ah oo qaarkood galay Talyaaniga halka qaar kale ay ku dhinteen biyaha badda Mediterranean.
Muuqaallo todobaadyo kahor ku faafay Baraha Bulshada waxaa ka muuqday Dad ku qarqamay Badda kaddib markii Doontii ay la socdeen oo rogmatay inkasta oo aan si dhab ah loo ogaan sababta rogtay doontaas.
Dadkii la badbaadiyay ayaa la geeyay Xeryo Qaxooti oo ku yaalla Talyaaniga halkaas oo soo dhaweyn, Daryeel Caafimaad iyo Dib u dejin loogu sameeyay, mana jirto warbixin laga sameeyay halistaas ay galeen oo ilaa hadda lasoo bandhigay.
Mustaqbal
