Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo kulamo ka bilaabay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulamo gaar gaar ah ka bilaabay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ujeedka kulankooda waxa uu yahay qiimeynta Saldhigyada Ciidamada Militariga Dowladda ee Gobolka Gedo, waxaana la socda saraakiil kale oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiil katirsan qaybta 43-aad Ciidamada Xoogga Dalka ee ka howlgala Gobolka Gedo ayaa soo dhaweyn kadib wafdiga Taliye Cabdixamiid waxa ay warbixino ka siiyeen Xaaladda Nololeed ee Ciidamada Xoogga Dalka.

Kulamada waxaa qayb ka ah Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo saraakiil katirsan Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.

S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidana Dhulka Xoogga Dalka oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in uu ukuurgalayo Xaaladda Nololeed ee Ciidamada Dowladda.

Waxa uu tilmaamay in ay tagi doonaan deegaanno dhowr oo katirsan Gobolka Gedo si ay warbixin guud kaga diyaariyaan Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaanada Gobolkaas.

Degmooyinka Gobolka Gedo waxaa inta badan ka howlgala Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay la howlgalaan Ciidamada AMISOM.

Dowladda Federaalka waxa ay isbadal horay ugu sameysay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Gobolka Gedo.

MM Editor

Read Previous

U.S announces $1.6M to promote youth workforce development in Somalia.

Read Next

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug oo ku adkeystay in Doorashada ay ku qabanayaan Waqtigeeda.