Soomaaliya iyo Turkiga ka wada hadlay horumarinta Kalluumeysiga

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dal ee dhinaca la dagaalanka Kalluumeysiga Sharci-darrada iyo sidii loo horumarin lahaa Dhaqaalaha Buluuga ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Kulluumeysiga ee XFS ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga kaalinta ay ka geysaneyso horumarinta Kalluumeysiga ee gudaha Soomaaliya.
Dhankiisa Safiirka Turkiga ayaa xusay in ay tababaro siin doonaan Kalluumeysatada si loo kordhiyo wax soo saarkooda.
Türkiye ayaa kamid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan, iyagoo heshiis dhinaca ilaalinta xeebaha kula jira Soomaaliya.
Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Qatar iyo Faransiiska oo ku baaqay in la furo marin-biyoodka Hormus