Somaliland oo ka hadashay dib u dhaca dhismaha Dekadda Berbera

Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dib u dhaca ku yimid dayactirka iyo ballaarinta Dekadda Magaalada Berbera ee ay maamusho Sharikadda DPWorld.

Somaliland iyo DPWorld ayaa ku heshiiyay in dekadda marka lagu wareejiyo kaddib hal sano ay ballaariso dhismaha dekadda sidoo kalena horumarin lagu sameeyo.

Maareeyaha Dekadda Magaalada Berbera  Siciid Xasan Cabdullahi,oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in muddo labo sano ah ay DPWorld maamuleyso dekadda islamarkaana wali aysan billaabin mashaariicdii horumarinta Dekadda.

Sababta ayuu ku sheegay in xillado farsamo ay  jiraan sidaas darteedna Mashaariicda Horumarinta ee lagu ballaarinayo dekadda la dhagax dhigayo 11-ka Bisha October ee  soo socota.

Siciid Xasan Cabdullah,waxaa uu sheegay in DPWorld markii ay dekadda la wareegtay ay sare u kaceen howlaha dekadda 40%,isaga oo sheegay in hab casri ah loo maamulo dekadda.

Somaliland iyo DPWorld aya aku heshiiyay in 65% Dakhliga Dekadda ay qaato DPWorld halka 35% ay leedahaya Somaliland.waxaana markii dambe ay DPWorld 19%siisay Dowladda Itoobiya.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Ismaamulka Oromada oo sheegay in Ciidanka Liyuu Boolis ay dileen 40 qof

Read Next

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dalalka Turkiga iyo China.