Ismaamulka Oromada Dalka Itoobiya ayaa sheegay in Ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ay todobaadkan gudahiisa dileen 40 qof oo Oromo ah.
Afhayeenka Maamulka Oromada Itoobiya Negeri Lencho,ayaa sheegay in maalmihii Sabtiga iyo Axadda ee Todobaadkan ay Ciidamada Liyuu Booliska weerar ku qaadeen dhulka Oromada kuna dileen dad Rayid ah oo gaaraya 40 qof.
Waxaa uu Negeri Lencho sheegay in aysan garaneyn sababta Ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay u leynayaan dadka shacabka ah ee Oromada ka soo jeeda.
Saraakiil qariyay magacooda kana tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay madaxda ismaamulka Somalida ku qasbeyso in ay is casilaan,iyada oo Ciidamada Liyuu Booliska ay ka faa’ideysanayaan khilaafka islamarkaana geysanayaan weerarro ka dhanka h dadka Oromada .
Todobaad ka hor ayuu sheegay Afhayeenka Ismaamulka Oromada Negeri Lencho,hantida dadka laga tirada badan yahay ee Oromada ku nool Jigjiga la boobay islamarkaana qaarkood wax yeello loo geystay.
Dhowrkii Sano ee ugu dambeeyay waxaa socday qalalaase u dhaxeeyay Oromada iyo Soomaalida oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo labada dhinac ah,waxaana ay ugu darantahay hadda oo uu Dalka Ra’isalwasaare ka noqday Nin ka soo jeeda Oromada.
Dadka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Ciiidamada Maamulka Oromada ku eedeeyay in ay ku lug leeyihiin dagaalka labada qowmiyadood dhowr jeerna iyaga oo xiran dharka Ciidanka ay Gaadiidka kala dageen dad Soomaali ah sidaasna ku laayeen.
