Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi
Sheekh Cisaam Al Ruubo oo u dhashay Dalka Masar ayaa mamnuucay islamarkaana xaaraantinimeeyay adeegsiga App-ka FaceApp ee dadka u muujiya sawirradooda marka ay duqoobaan.
Sheekha ayaa sheegay in App-kaasi uu xaaraanyahay isaga oo sabab uga dhigay in uu ku xadgudbayo abuurista Alle.
FaceApp ayaa waxaa aad loogu adeegsadaa baraha bulshada waxaana uu muujiyaa marka aad sawirkaaga geliso sida aad u ekaaneyso marka aad duqowdo.
Sheekh Cisaam ayaa sheegay in qofka marka uu duqoobo sida uu u ekaanayo uu ku shaqo leeyahay Alle islamarkaana App-kan xadgudub sameynayo.
Baraha bulshada ayaa aad loogu adeegsaday app-kan waxaana ka mid ah dadka adeegsaday Maxamed Saalax oo ah Ciyaaryahan Masaari ah.

Sheekha ayaa is weydiiyay “miyey sawirradan muujinayaan waxa dhici doona?, maya, Alle kaliya ayaa og” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Adeegsiga FaceApp ayaa waxaa aad u daneeya dhallinyarada,waxaana uu soo bandhigaa sawir shabahaya sawirkaaga kaas oo uu ku tusaaleynayo qiyaasta sida aad u ekaaneyso marka aad duqowdo.
