Shacabka Beledweyne: ‘Gobolkeenna TB miyaa laga daweynayaa?, lixdii biloodba Guddoomiye cusub’, Maqal

Shacabka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka argti dhiibtay Magacaabista cusub ee Guddoomiyaha Gobolka.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar,kaas oo dhowr jeer oo hore guddoomiye ka soo noqday Goholka.

Qaar ka mid ah shacabka Beledweyne oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa maamulka Hirshabeelle ku eedeeyay in Gobolka loola dhaqmayo sida in TB laga daweynayo oo lixdii biloodba mar Guddoomiye cusub loo magacaabayo.

Waxaa ay sheegeen in Guddoomiyaha cusub uusan la wareegeyn Dukumiintiyo dowladeed marka uu xilka la wareegana shaqada ka billaabayo meel Eber ah.

Waxaa ay maamulka Hirshabeelle ka codsadeen in ay joojiyaan magacaabista faraha badan ee Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Maamulkiisu hal sano oo kali ah jiro ayaa Guddoomiyihii saddexaad u magacaabay Gobolka Hiiraan.

Dhegeysi:

 

Mustaqbal media

Read Previous

Darawal 15 Bari u afduubnaa Ciidanka dowladda, Tacsina loo dhigay oo dib loo helay isaga oo nool, Wareysi

Read Next

London court extends injunction against Djibouti in DP World dispute -Dubai govt