Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa lagu diyaariyay Ciidan Macawiisley ah oo ka howlgalaya deegaannada Gobolkaas sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka oo qorshahaan wax ka abaabulay.
Guddoomiyaha Nambar 50 ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre hor dhigay in Xukuumadda Dan-Qaran ay bixiso Mushaarka ama garaamka ay qaadanayaan ciidamadaan deegaanka kala garanaya ee Macawiisleyda.
Goobaha inta badan laga fulinayo howlgallada ayuu ku sheegay in ay kamid yihiin dhulka u dhaxeeya Afgooye ilaa Marka iyada oo laga geynayo dhinaca Xeebta maadaama halkaas ay ku sugan yihiin xubno katirsan ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.
“Dadka Deegaanka Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay Khawaariijta ula dagaalameen si iskood ah oo iyaga ayaa iibsaday hubkooda iyo rasaastooda, waxa ay qayb ka ahaayeen dagaallo ka dhacay Degmooyin badan, mudane Ra’iisul Wasaare waxa aan u baahanay garaamkooda, saadkooda iyo miisaaniyaddooda, mid mid ayay u yaqaanaan dhulka u dhaxeeya Nambar 50, Abuutey ilaa gumeysi diid” Guddoomiyaha Nambar 50.
Mustaqbal
