Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland
Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Musevani ayaa tababar muddo sanad ah soconayay usoo xiray saraakiil u kala dhalatay Dalalka Soomaaliya, Uganda, Mali, Tanzania & Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo wadartoodu gaaraysay 498 sarkaal.
Soomaaliya waxa ay ku leedahay 40 sarkaal, waxaana munaasabadda ku matalay mas’uuliyiin isugu jirtay diblumaasiyiin ka socotay Safaaaradda Soomaaliya ee Dalkaas iyo saraakiil ciidan oo katirsan xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xubnaha goobta ku sugnaa waxaa kamid ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Fardowsa Maxamed Qanyare, Gaashaanle sare Axmed Ciise oo Taliyaha Tababarka Ciidanka XDS & Gaashaanle sare Cali Aadan Shuuriye, taliyaha hab-maamuuska Ciidanka Xoogga Dalka.
Qaar kamid ah Saraakiisha ciidanka ee Soomaaliya loo tababaray ayaa goobta ka hadlay waxa ay sheegeen in aqoon dheeraad ah in ay soo qaateen muddada sanadka ah oo ay ku tababarayeen Dalka Uganda sida ay hadalka u dhigeen.
Ciidankaan waxa ay bandhigga gunaanadka tababarkooda sanadka socday kusoo bandhigay Labiska ciidamada Dalka Uganda ee garabka uga xardhan Calanka Dalkaas, waxa ay taasi dhalisay falcelin ay ka sameeyeen qaar kamid ah Bulshada.
Mustaqbal
