Saddex Gudoomiye Xaafadeed oo lagu dilay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxa ay sheegayaan in xalay degmadaas lagu dilay Saddex Gudoomiye Xaafadeed, waxaana lagu dhex dilay Bartamaha Degmada gaar ahaan Xaafadda Baay.

Saraakiil ku sugan Degmada Baardheere waxa ay Mustaqbal u sheegeen in Saddexda Gudoomiye lagala soo baxay Xaafadahooda, lana gowracay sida ay hadalka u dhigeen.

Ilo wareedyo kale oo ku sugan Baardheere waxa ay sheegeen in dilka kadib ay maqleen rasaas dhinac kala duwan loo riday, inkasta oo aysan xaqiijin waxa ay ahayd, maadaama xili habeen ahayd.

Mustaqbal waxa ay heshay Magacyada labo kamid ah Saddexda Gudoomiye Xaafadeed ee lagu dilay Degmada Baardheere iyo Xaafadaha ay u qaabilsanayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khaliif Cabdi Dacar waxa uu ahaa Gudoomiyaha Xaadda 1-aad, iyo Nin kale oo magaciisa nalagu soo koobay Jibriil oo ahaa Gudoomiyaha Xaafadda 2-aad, Sidoo kale Mustaqbal ma helin Magaca ruuxa saddexaad oo isna Gudoomiye u ahaa Xaafadda 3-aad.

Ciidamada ayaa sameeyay baaritaanno ay ku raadianayan Shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka labada Gudoomiye Xaafadeed waxa ay ka wadaan qaybo katirsan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale, saraakiil nala hadashay oo ka gaabsaday in Magacooda iyo codkooda aynu adeegsano waxa ay inoo sheegeen in Ciidamada Dowladda ay howgal u aadeen Deegaanka lagu magacaabo Shanqolow oo hoostaga Baardheere kuna sugan yihiin Al-Shabaab.

MM Editor

Read Previous

James Swan oo Golaha Ammaanka la wadaagay Xaaladda Amni iyo Doorashada Soomaaliya 2020-2021-ka.

Read Next

Maxkamadda CQS oo Xukun ku ridday Rag ku eedeysan dhac ay ka geystay Muqdisho.