Saakoow: Diyaarado duqeeyay Isbitaal iyo Dugsi waxbarasho

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal ay xalay duqeyn ka geysteen Magaaladaas.

Ugu yaraan saddex Carruur ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duqeynta kuwo kalena ku dhaawacmeen kaddib markii Xarun wax lagu baro Carruurta uu ku dhacay mid ka mid ah Gantaalladii ay tuurayeen diyaaradaha.

Sidoo kale Isbitaalka Magaalada Saakow ayey isaguna ku dhacday duqeynta waxaana gaaray bur bur xoog leh.

Dadka Magaalada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ayaa saaka markii uu waaga baryay tagay goobaha ay duqeynta ku dhacday.

Dugsiga ay Carruurta ku dhinteen ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid Xanaano oo ay Carruurtu seexanjireen.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Kenya iyo kuwa Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliya gudaha Soomaaliya,midkoodna ma sheegan ilaa hadda duqeynta xalay ka dhacday Saakoow oo ah magaalo ay Al-shabaab maamulaan.

Mustaqbal media

Read Previous

Sidee loo dhigaa qodob-wareed?

Read Next

Somalia: Foreign Airstrike killed Kids at Boarding School in Sakow City