RW Xamsa oo maanta khudbad ka jeedinaya shirka looga hadlayo dib u dhiska Magaalada Gaza

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad ka jeedinaya shirka waddamada Carabta u dhaxeeya ee ka dhacaya Magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Masar ee looga hadlayo dib u dhiska Gaza ee Falastiin.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Farxaan Maxamed Jimcaale oo faah-faahin ka bixiyay safarta Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aanay isbaddelin mowqifka Soomaaliya ee dhinac istaagga Falastiin.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya safka hore uga jirto dalalka diidan in la barakiciyo Shacabka Magaalada Gaza sida ay qorsheeyeen Maraykanka iyo Madaxda Israa’iil taasina ay kordhineyso xiisadda taagan.

Xamsa Cabdi Barre ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doonna Madaxda Carabta ee shirkaan ka qaybgalaya waxaana kamid ah Madaxweynaha gogoshaan dhigay ee Masar Cabdifitaax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xaaladda labada Dal.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay qorshaha taageerada ee Sannadka 2027-ka

Read Next

Ciidamada DF & Macawiisley oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Shabeelaha Dhexe