Rio Ferdinand oo weerar ku qaaday Arsenal kadib guuldaradii Chelsea.

Daafacii hore ee kooxda Man United iyo xulka qaranka Englan haatana ah Falanqeeye Premier League Rio Ferdinand ayaa weerar ku qaaday kooxda Arsenal kadib guuldaradii xanuunka badnayd ee ka soo gaartay kooxda chelsea kulankii 2-aad ee horyaalka premier League.

Rio Ferdinand ayaa kooxda Arsenal ku weeraray daafac xumadii ay soo bandhigeen kulankii ay guuldarada kala kulmeen kooxda chelsea.

Daafaca dambe ee Gunners ayaa sameeyay khaladaad waaweyn kuwaas oo keentay in ay xiddigaha Pedro iyo Alvaro Morata hogaanka u dhiibaan kooxda chelsea.

Arsenal ayaa dib ugu soo laabatay ciyaarta iyaga oo ay goolasha u dhaliyeen xiddigaha Henrikh Mkhitaryan & Alex Iwobi ka hor inta uuna Marcos Alonso dhalin goolka guusha.

Halyeeyga Man United ee Ferdinand ayaa weerar ku qaaday kooxda Arsenal kadib bilowgii adkaa aee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

“Tani waa sheekadii qaybtii hore daafac ahaan dhanka Arsenal, waxa ay sameeyeen khaladaad waaweyn oo khadka daafaca ah”ayuu Ferdinand u sheegay BT Sport.

“4-ta xiddig ee daafaca ayaan la socon xiddigaha khadka dhexe ee weerarka galay, awoodna uma lahan in ay difaacdaan”.

“Wax war ah kama hayaan halka ay joogaan xiddigaha kale ee garoonka kula jira”.

“Waxa masiiba ka dhacday daafaca dambe, Kaliya maaha halkaas khadka dhexe sidoo kale”.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Lionel Messi oo Taariikh cusub ka sameeyay Barcelona.

Read Next

Filipe Luís oo ku dhaw inu ku biro PSG.