Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in la xoojin doono xiriirka Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta Safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalintan ay tahay maalin farxad wadaag ah oo u dhexeysa labada dal.

“Maalintani waa maalin aan si wadajir ah ula faraxno walaalaheen Turkiga, waa maalin lagu xusayo geesinimadii iyo halgankii uu hormuudka u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, kaas oo dhidibbada u taagay Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, taariikhi ah oo walaaltinimo ku dhisan, isaga oo dib-u-xusuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011, xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay abaar iyo amni darro.

“Sannadguuradan waxa ay fursad u noqon doontaa in aan sii xoojinno iskaashigeenna dhinacyada ganacsiga, amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda Jamhuuriyadda Turkiga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo goordhow u safray dalka Jabbuuti

Read Next

Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka socdaalka iyo amniga