Queen Deeqa oo u geeriyootay dhibaato kasoo gaartay Xayaysiis ay u samaysay Daawooyinka Kiimikada ah ee Jirka loo isticmaallo

Dhibaato caafimaad ayay Dhallinyaro isugu jirta Rag iyo Dumar ka dhaxlayn xayaysiinta Dawooyinka jirka loo isticmaallo iyada oo diiwaanka ay galeen Gabadh u dhimatay iyo kuwo kale oo weli la xannuunsanaya saamayntaas soo gaartay.

Queen Deeqa ayaa muddo u xannuunsanayn Daawo bishimaha ama faruuryaha looga duray si ay xayaysiis ugu noqoto dadkii lahaa, waxaana la siiyay $100 sida ay ku sheegtay Waraysi ay bixisay xiligii ay dhibkaas isku aragtay.

Allaha u naxariistee Deeqa ayaa sheegtay in cirbaddaas afka looga duray isla markaana aanay la wadaagin ehelkeeda, markii ay xannuunsatay kaddib ay waysay meel ay kala xiriirto dadkii ay dhibbanaha u ahayd sida ay hadalka u dhigtay.

Xannuunka Neerfaha ayay qabtay iyada oo qaadanayay Daawooyinka lagula tacaalo xannuunkaas, waxa ay martay Tijaabada lagu sameeyay ee Daawadaas ee lagu duray sida oo ugu dambayn ay sababtay sida ay sheegeen ehelkeeda.

Waxaa jira Dad kale oo dhallinyaro ah oo caan ka ah Barashada oo la xannuunsanaya iyo kuwo ka boksaday xannuunadaas ay la kulmeen waxaana ilaa hadda jirin tallaab ay qaadeen hay’adaha ku shaqada leh kahortagga halistaas.

Muuqaal lasoo dhigay Baraha Bulshada oo uu ka dhex muuqday Aabaha dhalay Queen Deeqa waxa uu dad uu la hadlay u sheegay in aan lagala tashan daawadaas la siiyay Gabadhiisa ee ugu dambayn ay sababtay sida uu yiri.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxaa ka socda Degmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo?

Read Next

MW Xasan Sheekh oo sheegay in Dowladda Federaalka diiradda saareyso horumarinta dhaqaalaha dalka