Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhimatay, 8 kalana waa ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo Sabtida maanta ah ka dhacay degmada Dharkenlay ee Gobolka Banaadir.
Weerarkaan Ismiidaaminta ah ayaa si gaar ah waxaa uu uga dhacay goob gaadiidka laga raaco [Boosteejo] oo ku taala xaafadda Macalin Nuur.
“Ismiidaamiyaha wuxuu isku dhex-qarxiyey dad shacab ah. Khasaaraha wali lama tirokoobin balse waxaa muuqaneysa in uu badan yahay,” ayaa sarkaal ka tirsan laamaha amaanka u sheegay Mustaqbal.
Ciidanka amaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo.
Lasoco wixii ka soo kordha.
