Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran
Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu gacanta ku dhigay tiro Rag ah oo qorsheynayay in ay ku biiraan Daacishta ka dagaallanta Buuraha Cal Miskaad ee degaannada Puntland.

Qoraal lagu daabacay Bogga Facebook ee Ciidanka PSF-ta Puntland lana raaciyay sawirro ayey ku sheegeen.

Warka ka soo baxay Ciidanka Amaanka Puntland ee PSF loo yaqaan ayaa u dhignaa; “waxay maanta 11 February 2019, hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca,Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Bosaso, Intii Hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas”.

Ciidanka ayaa dadweynaha Gobolka Bari ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ka hortagga Daacish iyo Al-shabaab.
