Puntland oo sheegtay in ay la wareegtay xero ku taalla Carmo

Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu si buuxda ula wareegay xero ciidan oo ku taalla Magaalada Carmo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo hubaysan oo lagu eedeeyay in ay qalqalgelin amni iyo xasilooni darro ku ahaayeen Bulshada Magaaladaas.

War kasoo baxay Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in la wareegistaan ay kamid tahay qorshaha lagu burburinayo ciidamada hubaysan ee aanay u diiwaangashnayn maamulkaas sida hadalka loo dhigay.

Puntland ayaa dhinaca kale digniin u dirtay kooxaha hubaysan ee saldhigyada iyo xeryaha ku dhex leh deegaannada maamulkaas, waxaana lagu wargeliyay in ay hubkooda iyo goobaha ay joogaan ay wareejiyaan sida warka lagu yiri.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xaaladda Caafimaad ee Joe Biden oo laga dayrinanayo kaddib markii uu jirkiisa ku faafay cudurka Kansarka

Read Next

Soomaaliya oo dooneyso ay ku biirto Heshiiska Difaaca ee Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga.