Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Ereyga Qaanuun oo ka soo jeeda Latin (Canon, Law) waxa lagu qeexaa in uu yahay: Xirmo xeerar ah (Set of rules) guud oo dhowrsan, taas oo xukunta dhaqanka iyo xiriirka dadka marka la joogo bulshada dhexdeeda islamarkaana Waajib ah, marka la jebiyana ay ka dhalato abaalmarin ama Ciqaab ay fulinteeda leedahay Dowladdu.
Marka la tixgeliyo Qeexitaankaas Qaanuunka & Sharciga ma hirgelin karaan Kooxo & Maamullo is magacaabay ama is caleema-saaray oo aan ku imaan rabitaanka dadweynaha, haddii ay iskudayaan waxa dhici kara iska caabbin sababi karta in dalka iyo dadkaasiba ay lumiyaan kaalintooda bulshada dunida iyo xubin-nimadooda Qaramada midoobay.
Ujeeddooyinka Qaanuunka
Qaanuunku waxa uu leeyahay dhowr ujeeddo oo dhammaantood kusaabsan hagaajinta Nolosha, waxa kamid ah Ujeeddooyinkaas:
- Dhismaha bulsho xasiloon oo deggan, dadkeedu awoodo in uu sameeyo horumar & Barwaaqo iyada oo la xeerinayo Nolosha Asaasiga ah ee bulshada lana illaalinayo Shaqsiyaadka iyo hantidooda, mid kamid ah sida loo hirgeliyo loona hormariyo Nidaamkaas waa in la dejiyo hannaan isku xiran oo Wada-shaqeyneed leh Sanduleyn u hoggaansan Sharciga (Compulsion).
- Qaanuunku waxa uu reebayaa oo diidayaa dhaqamo gaar ah, sida Dilka, Qadafka & Xadgudubka, waxa uuna waajib ka dhigayaa dhaqamo kale sida bixinta Canshuurta, Illaalinta Nafta iyo hantida dadka iyo xisaabinta eedeysaneyaasha iyo ciqaabta dembiileyaasha.
- In dowladdu dadweynaha u fududeeyso adeegyada uu u baahan yahay si uu u qaabeeyo Noloshiisa.
- Qaanuunku waxa uu dammaanad-qaad Amni iyo Nabadgelyo siinayaa ganacsatada iyo macaamiishooda, dadka gacanta ku haya horumarinta adeegyada, kuwa bixiya shaqooyinka iyo Shaqaalaha, dadka curiya ama dhisa Shirkadaha ganacsiga iyo kuwa fududeeya adeegyada iyo dhammaan dadweynaha guud, kuwaas oo dhammaantood u hoggaansamaya Sharciga iyo Qaanuunka.
- Ujeeddo kale oo Qaanuunku leeyahay waa in uu xalliyo doodaha iyo muranada ka dhasha waxa uu Qaanuunku yahay, haddii la jebiyey iyo haddii lagu xad-gudbay
- Hadafka ugu dambeeya ee Qaanuunku waa in uu awood siiyo Nidaamka joogteynta caddaaladda iyo garsoorka bulshada islamarkaana hubiyo in Qof walbaa helo kuna raaxeysto xuquuqdiisa & Xorriyaddiisa.
Kuwaasina waa ujeeddooyinka waaweyn ee Qaanuunku leeyahay.
WQ: Avv: Axmed Ciise Guutaale LL.M in Law
