RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari
Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo hadda ah ku simaha Madaxweynaha Dowlad Gobaleedkaas ayaa shaqo kajoojin kusameeyey labo kamid ah xubnaha Golaha wasiiradda ee Puntland.
Wasiirada uu Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland uu shaqada ka joojiyay ayaa kala ah;
- Xuseen Cismaan Luga-Toor oo ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland.
- Axmed Yasiin Saalax oo ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntand.
Warar ay heshay Mustaqbal Media ayaa sheegaya in labada Wasiir shaqo joojintooda timaaday ka dib markii ay ku lug lahaadeen celinta diyaarad ay saarneed Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BFS Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo 11-kii Luulyo 2022-ka laga celshay garoonka diyaaraha ee Magaalada Boosaaso.
Warqadda ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa lagu amray wasiir ku xigeennada labada wasiir in ay shaqada wasaaradahooda sii wadaan.

Bilo kahor Karaash ayaa xil ka qaadis kusameeyey saddex wasiir oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hirgali weyday, sidaas oo kale magacaabid Gudoomiye gobal iyo 18 Agaasime uu magacaabay ayaa waxaa ka hor yimid Madaxweyne Deni.
Mustaqbal
