Wasiir Fiqi oo kormeeray Saldhiga Ciidamada Danab ee magaalada Gaalkacyo
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo saakay soo gaaray Magaalada Muqdisho isaga & wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka & Xoghaye Antonio Guterres iyada oo ay sheegtay in diiradda ay ku saareen dhinacyada Amniga, Xoojinta Dowladnimada, Deyn Cafinta, Kobcinta Kaabashayaasha Dhaqaalaha & dib u heshiisiinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sifeeyay safarka Antonio Guterres ee Magaalada Muqdisho mid muujinaya in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay garab istaagga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu u mahadceliyay wafdiga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee maanta waqtigooda ku qaadanaya Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho si ay u ogaadaan xaaladda dhabta ah iyo is baddelka jira.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Villa Somalia.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu ku furaxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, waxa uu u mahadceliyay Madaxda Dowladda Federaalka, Saraakiisha Amniga u xilsaaran & howlwadeennada Xafiiska Hay’adaha hoostaga QM ee Muqdisho.
Mustaqbal
