Midowga Yurub oo Madaxda DFS & Mucaaradka ugu baaqay in ay miiska wadahadalka dib ugu laabtaan

Ururka Midowga Yurub ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ugu baaqay in ay dib u billaabaan wadahadallada siyaasadeed ee looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka Dalka si is faham looga gaaro khilaafka jira.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro oo qoraal soo dhigtay barteeda X ayaa Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka usoo jeedisay in aanay la xirin albaabada wadahadalka oo dib loogu laabto wadaxaajoodka.

Waxa ay isku xirtay natiijo wanaagsan oo kasoo baxda wadahadallada iyo Mustaqbalka Siyaasadda Soomaaliya, waxa ay labada dhinac xusuusisay muhiimadda wadahadalkooda & howlaha geeddi socodka Dalka.

Haweeneydaan oo la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni waxa ay xustay in labada dhinac ay kala hadashay dib ugu laabashada miiska wadahadalka.

Francesca Di Mauro ayaa intaas ku dartay in Dowladda iyo Mucaaradka ay rabaan in laga heshiiyo Khilaafka Doorashada balse ay ku kala aragti duwan yihiin hannaanka loo marayo iyo sida loo qabanayo waa sida ay hadalka u dhigtay.

Madaxda Dowladda iyo Xubnaha Mucaaradka ah ayaa kala cuksanaya Dastuurka cusub ee 2026 iyo kii 2012 oo labo sifo u kala saarayo muddo xileedka hay’adaha Dowladda, waxaana intaas dheer nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa oo laba daraf ay ka kala joogaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Isu socodka Gaadiidka Dadweynaha Kenya oo u joogsaday qiima-kororka shidaalka

Read Next

WHO “Faafitaanka Ebola waa xaalad Caalami ah oo u baahan in si degdeg ah looga hortago”