Maxamadda Ciidamada qalabka sida qeybteeda 60aad ee degaannada Koofur Galbeed ayaa maanta waxaa ay xukun dil ah ku ridday labo Askari oo ka tirsana Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa ku eedeysay labada Askari in ay dileen Marxuum Muxiyddiin Maxamed Cr/raxmaan oo ay dileen 18-6-2018.
Labada Askari ayaa lagu kala magacaabaa Xuseen Cali Macalin, Oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo C/waaxid Cali Sh. Aadan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Labada Askari ayey maxkamaddu sheegtay in ay labada askari min hal xabad ku rideen Marxuumka sidaasna ku dhintay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sida qeybta 60aad Gaashaanlle dhexe Aadan Abuukar ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ee dilka toogashada ah.
