Jalalabaad: koox hubeysan oo qaraxyo iyo weerar ka wada xarun Caafimaad

Wararka naga soo gaaraya Dalka Afghanistan gaar ahaan Magaalada Jalalabaad waxaa ay sheegayaan in Koox hubeysan ay weerar ku hayaan Xarun Caafimaad iyada oo ilaa hadda la xaqiijiyay dhaawaca 4 qof.

Kooxda ayaa qarax ku billaabay weerarkooda,waxaa ay sidoo kale gudaha u galeen Xarunta Tababarka Caafimaadka ee Jalalabaad oo Haweenka lagu baro Umulisonimada.

Afhayeen u hadlay Maamulka Magaalada oo lagu magacaabo Attaullah Khogyani,ayaa sheegay in Ciidamada dowladdaay 69 qof ka saareen Xarunta meel amaan ahna geeyeen.

Waxaa uu xusay in howlgal xoog leh uu socdo Ciidamadana isku dayayaan in ay Kooxda ka saaraan Xarunta Caafimaad.

Ciidamada dowladda ayuu sheegay in ay ku daaheen fur furidda Miinooyin Kooxda ay ku xir xireen darbiyada xarunta iyo waddooyinka laga galo Xarunta Caafimaad.

Magaalada Jalalabaad,waxaa ay marti gelisay weerarro xiriir ah oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay iyada oo inta badan Daalibaan iyo Daacish ay sheeganayeen weerarradaas.

Mustaqbal media

Read Previous

Maxkamadda Ciidanka oo xukun dil ah ku ridday Labo Askari.

Read Next

Juventus oo ku dhaw inay heshiis cusub ka saxiixdo xidig muhiim u ah.