Maxaa ka soo kordhay Xil-ka-qaadistii Cali Shaameey?

Cali Ibraahim Cali ( Shaameey)

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda  mudane Cabdi Canshur Xasan ayaa dhowaan xilkii xubinimada guddiga isgaarsiinta ka qaaday Mudane Cali Ibraahim Cali ( Shaameey) oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda isla markaanna xubin uga ahaa Guddiga Isgaarsiinta Qarankataas, Cali waxa lagu eedeeyey in uu ku biiray islamarkaana metelay xisbi siyaasi ah.

Mudane Cali Shaameey ayaa xil kaqaadistaas ku gacansayray isaga oo sheegay in uu maxkamad la aadi doono Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, inkasta oo uu wasaaradda ku metelayey xubinnimada guddiga isgaarsiinta Qaranka  haddana waxa uu sheegay Cali Shaameey in aysan wax xeer ah oo u diidaya in uu xisbi ku biiro.

Balse waxaa soo ifbaxay xilka kaqaadis ka balaarran oo uu madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed(Lafta Gareen) ku sameeyey Mudane Cali Shaameey, xil kaqaadista uu sameeyey madaxweynaha KGS ayaa loo  direy dhammaan Wasaaraddaha Dowladda Federaalka ah, Hay’addaha iyo Safaaradda kaas oo uu ugu sheegayo in uuna marnaba meteli karin xafiiska madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedka Midna.

Mudane Cali Shaamey ayaa waxa uu hore ugu meteli jirey Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed  Guddiga Qaran Wada-xaajoodka arrimaha federaaalka, Guddiga Arrimaha Kaluumaysiga, wada-xaajoogyada la xiriira batroolka iyo inta badan shirarka dibedda, iyada oo hadda dhammaan laga wada-qaadey.

Mustaqbal

Baydhabo 

General Editor

Read Previous

Ciidanka Nabadgelyada GM oo sheegay in ay qabteen Jaakad ay qaraxyo ku xiranyihiin..

Read Next

Shir looga hadlaayay arimaha doorashooyinka, qorsha dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay.