Masar oo Israil ka dalbatay in baaritaan laga furo dhacdo la xariirta dagaalkii dhexmaray labada dal 1967!

Kaddib laba maalin oo Warbaahinta Israel oo ku hadasha Afka Cibriga (Hebrew) ay hadal haysay War ku saabsan dagaalkii 1967dii dhexmaray Masar iyo Israel kaas oo sheegaya in Tobaneeye Askeri oo u dhalatay Masar iyaga oo nool la qabtay kaddibna la gubay laguna sameeyey xabaal-wadareed Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Masar ayaa soosaartay Bayaan ay si degdeg ah ugu dalbatay in la fury baaritaan ku saabsan Warka ay baahisay Warbaahinta Israel.

Saxaafadda Israel ayaa intaas ku dartay macluumaad kale oo sii huriyey carada Masar, kaas oo ah in gubidda Askartaas iyaga oo nool, Xabaal-wadareedka iyo In aan la Shaacin lana xusin in la dilay aysan muujineyn habayaaraatee in Israel ku xadgudubtay xeerka dagaalka iyo Maxaabiista lagu qabto dagaaladda.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Masar ayaa Shaacisay in ay Safaaradda Masar ee Talabib u xilsaartay in ay Israel si degdeg u weydiisato in baaritaan iyo macluumaad dheeri ah laga helo Warka muran badan  dhaliyey ee la xariira dhcadooyinka dagaalkii dhexmaray labada dal ee 1967-kii kaas oo Israel ku qabsatay dhul ay Masar leedahay sida Jasiiradda Sinaa oo Masar dib uga qabsatay Israel kaddib dagaalkii October-1973-dii.

Yossi Melman; oo ah Suxufi Israili ah oo ku taqasusay kana faallooda Amniga iyo labada Wargeys ee kala ah Yedioth Ahronoth iyo Haaretz ayaa aad u buunbuuniyey in Qabashada, gubidda iyo Xabaal-hororidda Askar nool oo ciidanka Israel ku qabtay dagaalkii 1967-kii aysan muujineyn habayaraatee in Israel ku xadgudubtay Xeerka iyo Qaanuunka dagaalka.

Axmed Xaafid oo ku hadlay magaca Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegay in Safaaradda Masar ku leedahay Talabiib loo xilsaaray in baaritaan degdeg ah laga furo Wararka ay faafisay Warbaahinta Israel

General Editor

Read Previous

Madaxweynaha Argentine Alberto Fernandez; oo ku baaqay in la ilaaliyo midnimada ka dib dibad baxyo ka dhacay Dalkaas.

Read Next

Cabdirisaaq Ibraahim: “Hantida Markii ay gubatay kaddib ayaa la keenay Dab damis”.