Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo dagaalka AS

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo tababarka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Kulan ay khadka Taleefanka ku wada yeesheen Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali iyo dhigiisa Masar, Dr Badr Abdilatty ayaa diirada lagu saarey xiriirka labada dal gaar ahaan in la sii dardar galiyo Iskaashigooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa carrabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Dr Badr Abdelatty oo ka hadlay taageerada dhinaca Amniga ayaa carrabka ku adkeeyay in ay Soomaaliya ka caawin doonaan dagaalka AS iyo tababarka Ciidamada.

Wasiir ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in maalgelin loo helo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo maraya marxalad kala guur ah.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada hagar-la’aanta ah iyo difaaca joogtada ah ee ay la garab taagan tahay madax-bannaanida Soomaaliya.

Masar ayaa sida qorshaha yahay ciidankeeda qeyb ka yahay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee ka socda gudaha dalka.

Mustaqbal

 

 

MM Staff

Read Previous

DFS oo Ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Read Next

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay toddob safiir