Mareykanka oo sheegay in Araare ay ku dileen 4 ka mid ah Al-shabab

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa looga hadlay weerar lagu qaaday Buundada Araare ee Gobolka Jubada hoose.

Mareykanku waxaa ay sheegeen in duqeynta ay ka fuliyeen tuulada Araare ay ku dileen afar ka mid ah Ciidamada Al-shabaab.

Weerarkaas ayey Mareykanka ku sheegeen in uu ahaa mid ay ku difaacayeen naftooda iyo nafta Ciidamada saaxiibada ah ee Soomaaliya iyo AMISOM.

Waxaa ay sheegeen in ay amar uga heysteen fulinta weerarka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,iyaga oo iska warqabana ay weerarkaas fuliyeen.

Qoraalka ka soo baxay AFRICOM,ayaa lagu sheegay in weerarka ay billaabeen kaddib markii ay ogaadeen in Ciidamada Soomaaliya ee degaankaas jooga ay la kulmeen weerar ay ku qaadeen Al-shabaab.

Waxaa qaraalka lagu beeniyay in ciidamo Mareykanka ah oo jooga Araare aysan jirin,sidaas darteedna uu Mareykanka caawinayay Ciidamada Soomaalida.

Mustaqbal media

Read Previous

Turkiga oo xir xiray soo galooti ay Soomaali ka mid tahay

Read Next

Leaders take State to task after Mandera Al-Shabaab attack