Maraykanka oo sannad dheeraad ah caawinaya howlgalka AUSSOM

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay caawinayso Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya loona soo gaabiyo AUSSOM iyada oo xogtaas u gudbisay Qaramada Midoobay oo bixisay fasaxa howlgalkaan.

Maraykanka ayaa sheegay in ujeedka caawinaadda sannadka ah waa 12ka bil uu yahay in si tartiib tartiib ah loo dhimo howlgalkaas si muddadaas la isugu diyaariyo bixitaanka Ciidanka Afrikaanka ah.

Taageerada Maraykanka ee AUSSOM waxa uu marsiinayaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS isaga oo ciidanka Afrika ka caawinaya Cuntada, Shidaalka, Caafimaadka, Biyaha iyo Saadka sida Gaadiidka wax u kala gudbinaya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS waxaa ku baxa dhaqaale dhan $500 oo Milyan oo Doollar waana tan keentay in Washington ay iska dejiso culayskaas dhaqaale ee saaran isla markaana muddadaas sannadka ah ay u dulqaadan doonnaan.

Howlgalka AUSSOM weli kuma filna taageerradaan waxaana miiska saaran go’aanka Dalalka qaar ay qaateen sida Uganda oo qabsatay in August 2027 ay ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya inkasto aan la ogayn in ay sii joogi doonnaan sannadkaan dheeraad ah ee kaalmada ciidanka howlgalkaas wada loogu daray.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Booliiska Jarmalka oo baaris ku wada Nin Mindi ku dilay Wariye Boqorka Bartamaha.

Read Next

Wariye Xasan Kaafi Qoyste oo Muqdisho ku geeriyooday