Dowladda Soomaaliya oo fasaxday dhammaan shaqaalaha dowliga iyo kuwa hay’adaha kale
Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xaaladda Gedo iyo ciidamada dowladda Federaalka gaysay gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.
Iskuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin katirsan gobolkaasi.
Rodney Hunter ayaa sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaam ay dooneyso in ay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidmaada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen sugidda amniga dalkooda.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland iyo ciidanka ay xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii dambe ku daabuleysay qeybo kamid ah Gedo.

“Ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka, looguna dagaal geliyay gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter oo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxaa kale oo uu sheegay in mas’uuliyadda ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay tahay la dagaalanka Al Shabaab, halkii uu isku dhac hubeysan dhexmari lahaa dhexdooda, si loo xalliyo khilaafka siyaasadeed.
“Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo, isaga iyo madaxweynaha Jubaland Madoobe ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mr Hunter waxa uu sheegay in horumar walba oo laga gaaro dhinacyada amniga, siyaasadda, deyn cafinta ay udub dhexaad u tahay iskaashi ay yeeshaan Dowladda Federaalkaiyo maamul goboleedyada.
Iskuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter waxa uu sheegay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo muddooyinkii dambe sii xoogeystay, waxayna sheegeen in xallinta arrintaas ay kala hadleen Dowldda Soomalaiya iyo maamul goboleedyada.
Dhanka kale waxa uu boggaadiyay dedaallada uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu isugu soo dhaweynayo Dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada.
Mr Hunter ayaa si gaar ah u carabaabay oo soo dhaweeyay kulankii dhawaan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ay geysay gobolka Gedo ay sugayaan ammaanka xuduudaha dalka.
12 Februarty 2020 ayay aheed markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend,waxa uuna ka hadlay Khilaafka Dowladda iyo Maamulkiisa, isaga oo Xukumada eedeeyay in Ciidamo Milatari ah ku qabsanayso Jubbaland.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, James Swan oo dhankiisa khuqbad ka jeediyay sharka Golaha amaanka ee UN ayaa diiradda saaray doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan sanadkan 2020-21.
Swan ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ciidanka dowladda ee la geeyay Gedo uu abuuray xiisad horleh.

“Waxaa sanadkan Soomaaliya horyaala hawlo badan, waxaana taas lagu gaari karaa in la wada shaqeeyo oo keliya”,ayuu yiri Swan.
Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay Ciidamo badan gaysay Goballadda Gedo iyo Galgaduud ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya,halkaas oo ay ku suganyihiin siyaasiyiin khilaaf Xooggan kale dhexeeyo.
