Maraakiibta ka gudubta Marinka Hormuz oo looga dejiyay in ay dansadaan Isgaarsiinta

Maraakiibta ku xayiran Marinka Hormuz ee damacsan in ay ka gudbaan marinkaas ayaa looga digay in ay qaataan qorshaha cusub ee ku saabsan in ay hawada ka saaraan qalabka Isgaarsiinta ay adeegsadaan si ay uga fogaadaan in la ogaado xogta socodkooda.

Shirkadda ka shaqaysa arrimaha Badda ee Kpler ayaa sheegtay in hoos u dhac xooggan uu ku yimid gudubka Maraakiibta ee Marinka Hormuz sababo la xiriira xiisadda ka dhex jirta Iiraan iyo Maraykanka oo cirka isku shareertay.

Waxa ay intaas ku dartay in hoos u dhac xooggan uu ku yimid Isu gudubka Maraakiibta Shidaalka wadda ee adeegsada Marinka Hormuz, Shalay oo waxaa keliya la diiwaangeliyay in uu gudbay hal markab oo ka tagay Gacanka Cumaan.

Laga soo bilaabo 7dii May waxaa hoos u dhacayay isu gudubka Maraakiibta ee Marinka Hormuz maadaama shuruudaha ay Iiraan hordhigtay shirkadaha iyo dalalka leh Maraakiibtaas ay ku adkaatay kana fogaadeen halis weliba oo dhankooda ku wajahan.

Kpler ayaa carrabka ku adkaysay in qorshahaas cusub ee lagu daminayo isgaarsiinta lagula socdo Maraakiibta ay uga fogaanayaan in la beegsado maadaama aanay suuragal ka dhigi Karin in socodkooda la ogaado balse ay dhinaca kale luminayso la socodka xogtooda.

Iiraan ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayso furamaha marinka Hormuz oo ciddii ka fasax qaadata ay mari karto, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa todobaadkaan horraantiisa labo jeer sheegay in marinkaas uu yahay dhul cusub oo ay leeyihiin.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo fasaxday dhammaan shaqaalaha dowliga iyo kuwa hay’adaha kale

Read Next

Ciidanka Danab oo howlglallo ka dhan ah AS kawada Shabeelaha Hoose