Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cosoble oo ku geeriyooday Masar

Madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku geeriyooday Dalka Masar halkaas oo la sheegay in loo geeyay sidii looga daweyn lahaa xannuun qabtay Marxuumka.

Allaha u naxariistee Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhashay Magaalada Muqdisho 15kii June sannadkii 1961, waxaana ui Waxbarashada heerarkeeda kala duwan uu ku kala qaatay Soomaaliya, Mareykanka iyo Dalal kale oo aqoon kororsi ku sameeyay.

Marxuum Cosoble waxa uu kamid ahaa Xildhibaannaddii Baarlamaankii Kumeel-gaarka ahaa ee lagu soo xiray Kenya sannadkii 2004 isaga oo kamid ahaa Golaha Shacabka tan iyo sannadkii 2012, waxa uu sidoo kale soo noqday Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Xilka Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle waxaa loo doortay 16kii October sannadkii 2016 waxaana laga qaaday 14kii August 2017 waxaana celcelis ahaan uu xilkaas hayay 9 bil iyo 28 cisho, waxaana uu sidaas ku noqday Madaxweynihii ugu xil haynta gaabnaa Maamulkaas.

Geerida Allaha u naxariistee Cali Cabdullaahi Cosoble waxaa ka tacsiyeeyay Madax kala duwan oo isugu jirta kuwa Federaalka, Maamul Goboleedyada, Mas’uuliyiin hore iyo Dad kale oo aqoon u lahaa Marxuumka.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Akhriso Liiska Golaha Wasiirada Galmudug

Read Next

Muxuu daaran yahay Safarka MW Xasan Sheekh ee Uganda?