Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Yury Tokar usoo magacaabay in uu noqdo Danjiraha Dalkiisa ee Arrimaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ku cad digreetada uu soosaaray uuna faafiyay Aqalka dalkaas looga arrimiyo.
Danjiraha lasoo magacaabay waxa uu kale uu ahaa Safiirka Ukraine ee Kenya waxaana uu isku haynayaa labada safaarad isaga oo ka shaqaynaya Danaha Kyiv ay la wadaagto Dhiggooda Muqdisho iyo Nairobi sida bayaanka lagu sheegay.
Yury Tokar ayaa lagu wadaa in uu warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ku wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya si marka nuqulkaas uu u wareejiyo kaddib loogu sii gudbiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa November 2025 waxa ay danjire u dirsatay Dalka Ukraine, tallaabadaas waxa ay gogol-xaar u noqonatay dib usoo celinta cilaaqaadka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Kyiv.
Soomaaliya waxa ay kamid tahay Dalalka halka qaanad kuwada haya Ruushka iyo Ukraine oo dagaal ka dhaxeeyo tan iyo sannadkii 2022, waana tan keentay Muqdisho ay isku dhinac waddo Moscow iyo Kyiv.
Mustaqbal
