Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.”
Dalka Ereteriya ayaa waxaa ku sugan Dhalinyarada loogu qaaday tababarka kuwaas oo hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia.
Waalidiinta qaar ee dhalay Dhalinyaradaan ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbaayay xogta la xiriira caruurtooda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay malaf gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria, kuwaas oo dhan 5,000 oo Askari sida uu sheegay Farmaajo.
Mustaqbal
