Madaxweyne ku xigeenka Jubaland uu ku wajahan Garbahaarreey

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garbahaareey oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Maamulka Jubaland iyo dadka degaanka.

Khilaadka u dhaxeeya Maamulka Jubaland iyo Dadka Gobolka Gedo ayaa salka ku haya in maamulkaasi uusan waxba u qaban dadka Deggan Gobolka Gedo,magac ahaanna iyaga sheegto.

Shalay ayey ahayd markii Labo Wasiir oo ka tirsan Maamulka Jubaland lagu dhaawacay Magaalada Garbahaarreey kaddib markii dad careysan oo ka soo horjeeda Jubaland ay banaanbax ka dhigeen Magaalada islamarkaana tageen Guriga Wasiirrada sidaasna ku dhaawaceen.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa u tagaya Garbahaarreey sidii uu ula kulmi lahaa Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee Maamulka Jubaland oo hadda ka cabanaya Maamulka Jubaland.

Jubaland oo la dhisay 2013kii wali wax saameyn ah oo badan kuma laha Gobollada Gedo iyo Jubada dhexe,waxaana Gobolka Jubada dhexe guud ahaan maamula Al-shabaab.

Mustaqbal media

Read Previous

Taliska Nabad sugidda oo sheegay in Muqdisho ay Qabteen Saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Read Next

35 Ethiopians return home after jail term at Wajir prison