Madaxweyne Gaas oo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Kaydka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Digreeto oo uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Puntland.

Digreetada oo Ku Taariikheysan Maanta oo ah 2-da Oktoobar waxa uu Madaxweyne Gaas ku sheegay in markii uu arkay Baahida loo qabo Taliyaha Ciidamada Kaydka Puntland uu u Magacaabay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu u Cuksaday Qodobo kamid ah Dastuurka Puntland oo u ogolaanayo in uu sameeyo Magacaabistaan.

Taliyaha Xilkaan loo Magacaabay ayaa shalay Wareejiyay Xilka Gudoomiyihii Gobolka Nugaal ee Puntland, waxaana Xigay Xilka Taliyaha Ciidamada Kaydka ee Puntland oo maanta loo magacaabay.

Hoos ka aqriso Digreetada.

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 2 October 2018 magcaabay Taliaya Ciidanka ah ee Kaydka Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay:                     Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay:                      Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa G/Sare Cumar  Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

  1. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

                                                   -DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Mustaqbal media

Read Previous

HORDHACA: CSKA Moscow vs Real Madrid+Xaqiiqooyinka Kulanka.

Read Next

HORDHACA: Hoffenheim Vs Man City.