Madax iyo shacab ka qeyb galay aaska Shiikh Cusmaan Xidig

Allaha u naxariistee, waxaa magaalada Muqdisho lagu aasay Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Shiikh Cusmaan, Shiikh Cumar, Shiikh Daa’uud Culusow.

Boqolaal shacabka ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay aaska Shiikha oo ka dhacay degmada Kaaraan.

Dadka ayaa isugu jiray Madax, Culumo, Arday iyo Shacab kale, iyaga oo ka qeyb galay Salaadda Janaasadda ee Shiikha.

Madax iyo Shacabka ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisa ayaa saacadihii la soo dhaafay ka tacsiyeeyaynayay geerida Shiikha, iyaga oo ku tilmaamay in uu ahaa tiir muhiim ah bulshada ka baxay.

“Shiikha run ahaantii waxuu dhaxal u ahaa ummadda Soomaaliyeed, inkasta oo uu geeriyooday, balse waxuu ku dhex noolaan doonaa qalbiyadeena, dadkii uu soo saaray ayaa sii akhrin doono kutubada cilmiga” ayuu yiri Shiikh Abuukar Xasan Maalin.

Shiikha waxa uu aqoon durugsan u lahaa tafsiirka Qu’aanka, cilmiga xadiiska, iyo fahamka fiqiga, waxa uuna allifay in 30 kutub oo qaarkood hadda gacanta uu ku hayay, isla markaasna ugu talagalay in ay ka faa’iideystaan culimada iyo ardayda Soomaaliyeed.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Dad badan oo ku dhintay buundo ku burburtay dalka Shiinaha

Read Next

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA “Shacabka magaalada Xudur waxaa ay wajahayaan xaalad adag”